Isku xirrada

War

Ahlu-Sunna oo Isku Khilaafsan Heshiiska Addis

Ahlu-Sunna oo Isku Khilaafsan Heshiiska Addis

Ahlu-Sunna oo Isku Khilaafsan Heshiiska Addis

Masuuliyiin ka tirsan urur-diimeedka Ahlu-Sunna Wal-Jamacah, oo ku sugan Muqdisho, ayaa gaashaanka u daruuray heshiis ay dhawaan Addis Ababa ku gaareen garab ka tirsan Ahlu-Sunna iyo dowladda Somalia.

Sheikh Cumar Sheikh Maxamed Faarax, oo tan iyo dhowr toddobaad kahor ahaa guddoomiyaha gobollada dhexe ee ururka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca, ayaa sheegay in awood-qeybsiga la sheegay inuu Addis Ababa ku dhex maray dowladda KMG ah iyo garab kamid ah Ahlu-Sunna, inuu yahay mid aan waafaqsaneyn ahdaafta ururkiisa, kuwaas oo uu ku sheegay inay ku siman yihiin fidinta Diinta Islaamka, iyo waliba iska difaacidda kooxo uu ku sifeeyey "Khawaarij."

Sidoo kale, shir jaraa'id oo Muqdisho ka dhacay, waxaa sidoo kale heshiiska Addis Ababa cambaareeyey afhayeenka Ahlu-Sunna, garabka Muqdisho, Sheikh C/qadir Somow, isagoo sheegay in ururkiisu uu qey ka yahay dowladda KMG ah, uusanna u baahneyn awood-qeybsi horleh.

XS
SM
MD
LG