Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Agaasimihii Raadiyow Shabeelle oo la Dilay


Agaasimihii Raadiyow Shabeelle oo la Dilay
Agaasimihii Raadiyow Shabeelle oo la Dilay

Dabley hubeysan ayaa caawa fiidkii toogasho ku dilay Xasan Cismaan Cabdi (Fantastik) oo ahaa agaasimhii idaacadda Shabeelle ee Muqdisho.

Agaasimaha ayaa lagu dilay deeggaanka Nasteexo ee degmada Wadajir ee Muqdisho xilli uu galayay gurigiisa isagoo ka soo rawaxay shaqadda idaacadda.

Maydka agaasimaha idaacadda Shabeelle ayaa waxaa haatan la geeyay cisbitaalka Madiina.

Ilaa hadda lama oga sababta loo dilay iyo cidda dilka geysatay, balse goob joogayaal ayaa VOA u sheegay in laba nin ay dilkan geysteen.

XS
SM
MD
LG