Isku xirrada

War

Agaasimaha Horseedmedia oo 6 sanno lagu xukumay


Agaasimaha Horseedmedia oo 6 sanno lagu xukumay

Agaasimaha Horseedmedia oo 6 sanno lagu xukumay

C/fatax Jamac Mire waxaa lagu xukumey lix sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $500

Maxkamada Darajada Koowaad ee magaalada Boosaaso ayaa maanta ku riday xukun Lix sano oo xarig ah iyo 500 oo Doolar Agaasimihii Horseed Media C/fataax Jaamac Mire, kadib markii ciidamada Boolisku ay shalay galabnimadii xabsiga dhigeen.

Xariga agaasimaha Horseed Media ayaa waxaa uu ka danbeeyey ka dib markii ay Idaacadiisu wareysi la yeelatey Sh Mohamed Siciid Atam oo madax u ah maleeshiyada dagaalka kula jirta Maamulka Puntland, taasoo ka careysiisey Maamulka.

XS
SM
MD
LG