Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chelsea Oo Ceyrisay Macallin Jose Mourinho


Bayaan kasoo baxay kooxda Chelsea ayaa lagu sheegay in kooxda iyo macallin Mourinho ay isla garteen inay soo geba gebeeyaan xiriirkooda.

Kooxda Kubadda cagta Chelsea ee dalka Ingiriiska ayaa maanta shaqada ka ceyrisay tababare Jose Mourinho, kadib billowgiisii liitay ee loolanka horyaalka Permier League ee xilli cayaareedkan.

Bayaan kasoo baxay kooxda Chelsea ayaa lagu sheegay in kooxda iyo macallin Mourinho ay isla garteen inay soo geba gebeeyaan xiriirkooda, uuna ka tagayo kooxda.

Naadiga Chelsea oo difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa waxaa xilli cayaareedkan laga adkaaday 9 ka mid ah 16-ka kulan oo ay cayaartay, ayada oo adkaatay kaliya afar goor.

Chelsea oo leh 15 dhibcood ayaa waxa ay horyaalka kaga jirtaa kaalinta 16-aad, waxaana ay hal dhibici oo kaliya u jirtaa inay ka mid noqota saddexda koox ee ugu hooseeya ee loo celinayo heerka labaad.

XS
SM
MD
LG