Isku xirrada

War

Afmadow: Sarkaal laga Qabtay al-Shabaab


Afmadow: Sarkaal laga Qabtay al-Shabaab

Afmadow: Sarkaal laga Qabtay al-Shabaab

Sh. Max'uud Taqal oo ah madaxa Amniga ee Jubbooyinka ee kooxda Al-shabaab ayaa lagu qabtay dagaal ka dhacay meel u dhow Afmadow

Sarkaal ka tirsan kooxda al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Max’uud Taqal ayaa maanta lagu qabtay dagaal ka dhacay deegaanka Jirmo oo u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Sarkaalkan oo ah madaxa Amniga ee kooxda Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka ayaa la qabtay kaddib markii ciidamo wadajir ah oo ka tirsan dowladda KMG iyo kooxda Raas-kambooni ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab.

Sheekh Axmed Madoobe, madaxa ururka Raaskambooni ayaaa VOA-da u sheegay in sarkaalka Al-shabaab uu haatan gacanta ugu jiro kooxdiisa isagoo dhaawac ah isla markaana ay daweynayaan.

XS
SM
MD
LG