Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afewerki: Wax lug ah kuma lihin colaadda Somalia


Afewerki: Wax lug ah kuma lihin colaadda Somalia
Afewerki: Wax lug ah kuma lihin colaadda Somalia

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afewerki ayaa beeniyay in dalkiisu uu ku lug leeyahay mushkiladda ka taagan dalka Somalia. Qramada Midoobay ayaa dalka Eritrea saartay cunaqateyn la xiriirta taageerro la sheegay inay siisoo kooxda al-Shabaab ee dagaalka ka wada Somalia.

Wareysi khaas ah oo uu siiyay idaacadda VOA ayaa Effewerki wuxuu ku sheegay inuu rajanyano in dadka dhibaatada ka wada Somalia ay joojiyaan oo ay faraha kala baxaan, isagoo xusay in dhibaatadda Somalia haysata la xalin karo haddii faragelinta laga daayo. Affewerki wuxuu intaas ku daray in dadka Soomaalidu ay is-caawin karaan mushkiladda haysatana ay iyagu xalin karaan haddii loo daayo arrimahooda.

Madaxweyne Isaias Afewerki wuxuu sheegay in faragelintii militari ee aan fasaxa haysan ee Ethiopia ku gashay Somalia ay dhalisay in urur gobolleedka IGAD ay ka baxaan, wuxuuse xusay in isbeddello ka dhacay gobolka uu haatan dalkiisu go'aansaday inuu dib ugu soo noqdo ka mid noqoshada urur gobolleedka IGAD

Madaxweynaha Eritrea mar uu ka hadlayay abaaraha ka taagan Geeska Afrika wuxuu sheegay in dalkiisa aysan haysan cuna-yaraan aysana u baahnayn caawimaad gar-gaar, wuxuuna dhinaca kale xusay inuu diyaar u yahay inuu taageerro yar oo kooban siiyo Somalia si loogu gar-gaar dadka ay abaaruhu aafeeyeen.

XS
SM
MD
LG