Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lahaystayaashii Maraykanka oo La Dilay


Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in burcad-badeedda Somalia ay dileen afartii Maraykanka ahaa ee ay afduub ahaanta u heysteen.

Militariga Maraykanka ayaa sheegay in burcad-badeedda Soomaalidu ay dileen afartii qof ee Maraykan ahaa ee ay afduub ahaanta u haysteen.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska dhexe ee ciidamada Maraykana maanta oo salaasa ah ayaa lagu sheegay in ciidamo Maraykan ah oo ku sugnaa goobta doonidan lagu haystay ay doonidaasi ka dhexmaqleen rasaas, iyagoo markaasi isku dayay inay wadaxaajood ka galaan sidii loo sii dayn lahaaa afarta qof ee Maraykanka ah.

Warkan qoraalka ah ayaa sheegay in ciidamo Maraykan ah oo ka jawaabayay rasaataasi ay koreen doonidaaasi, iyagoo markaasi ka war helay in dhamaan afartii Maraykanka ahaa ay burcad-badeeddu toogteen. Gurmad caafimaad oo deg-deg ah oo loo fidiyay kaddib afartaasi Maraykanka ah aya waxay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray

Ciidamada Maraykanku waxay sheegeen in laba burcad-badeed ah la dilay xilli uu iska hor imaad dhexmaray burcaddda iyo ciidamada Maraykanka ee doonida soo fuuleey, waxaana sidoo kale ciidamada Maraykanku ay soo qabteen 13 burcad-badeedda ah. Sidoo kale laba burcad-badeed ayaa horey ugu jiray gacanta Maraykanka.

Burcad-badeedda ayaa doonidan dalxiiska ah oo lagu magacaabo SV Quest waxay ka qabsadeen jimcihii badweynta Hindiya. Ciidamada Maraykanka ayaa doonidaasi daba socday iyadoo ku sii jeeday dhinaca biyada Somalia.

XS
SM
MD
LG