Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar Qof oo ku Dhintay Roobab ka Da'ay Hargeysa


Hargeysa: Heshiiskii Ceel Bardaale oo la Saxiixay
Hargeysa: Heshiiskii Ceel Bardaale oo la Saxiixay

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen magaalada Hargaysa kadib roobab laxaad leh oo dabaylo wata oo xalay ku dhuftay magaalada.

Geerida dadka dhintay ayaa la sheegay inay sababeen guryo dumay, xarkaha korontada oo soo go’ay iyo qaar ay ku dhaceen jiingadaha dabaysha la socotay roobka ay fujisay.

Dadka magaalada ayaa sheegay in roobkan uu billowday wax yar kadib salaaddii maqrib muddo koobanna uu socday balse uu keenay khasaare laxaad leh oo ah dhimasho iyo burbuka guryaha.

Geedo badan oo kuwa magaalada ku yiillay ah ayaa la sheegay inay dabayshu ridday ama laamihii ay ka daateen.

Sidoo kale khasaare dhinaca guryaha ah ayaa la soo sheegayaa galbeedka magaalada Hargaysa.

Weriyaheena Hargeysa Cabdixakiim Maxamuud shirwac ayaa warbixintan inoo soo diray.

Roobab dabeylo wata oo ka da'ay Hargeysa
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:46 0:00

XS
SM
MD
LG