Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Af-Madow: Xiisad ka Dhalatay Dil Shabaabku Geysatay


Af-Madow: Xiisad ka Dhalatay Dil Shabaabku Geysatay
Af-Madow: Xiisad ka Dhalatay Dil Shabaabku Geysatay

Xiisadda ayaa ka dhalatay nin dhalinyaro ah oo ay maleeshiyada al-Shabaab ku dileen gudaha Af-Madow ee gobolka Jubbada Dhexe

Degmada Af-Madowee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka aloosan xiisad ka dhalatay dil ay maleeshiyada kooxda al-Shabaab u geysteen nin dhalinyaro ah oo la oran jiray Cabdulqaadir Cumar Cabdisalaam (Bilbil).

Ninkan la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa koox dhalinyaro ah oo tegay saldhig ay joogeen maleeshiyada al-Shabaab oo markaasi ka joojisay ciyaar kubadeed oo ka socotay garoon ciyaareed ku yaalla degmadaasi isla markaana ay la wareegtay kubaddii ay ku ciyaarayeen.

Axmed Khaliif Cabdisalaam oo adeer u ah ninka la dilay oo ku sugan xerada qaxootiga ee Dhagaxley ayaa sheegay in ninkaasi si xaq darro ah loo dilay.

Axmed Khaliif oo 80 jir ah ayaa sheegay in wiilkaasi uu filayay inuu garabkiisa noqdo, hase yeeshee si xaq darro ah ay kooxda al-Shabaab u dishay.

XS
SM
MD
LG