Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Af-gambi ka Dhacay Dalka Mali


Dalal uu Maraykanku ka mid yahay ayaa dhaleeceeyey af-gambigii ay ciidamadu u geysteen dawladdii dalka Mali

Maraykanka ayaa ku biiray cambaareymaha isa soo taraya ee loo jeedinayo wax u muuqda inay yihiin afgambi oo lagu sameeyay madaxweynaha Mali Amadou Toumani Toure ee ay sameeyeen askar fallaagowday.

Hadal qoraal ah oo Khamiistan ka soo baxay aqalka cad ayaa ku baaqday in si dhaqsiiyo leh loo soo celiyo hanaankii maamul ee Mali. Qoraalku waxa lagu sheegay in maraykanka uu madaxweynaha sharciga ah ee la doortay u aqoonsan yahay madaxweyne Tour.

Koox askar ah ayaa u dabaaldtay af-gambiga kaasoo laga sii daayay televisionka Mali khamiistan, ka dib markii ay la wareegeen howshii tabinta televisionka waddanka iyo xaruntii madaxtooyada.

Askarta ayaa sheegaya in sababta ay sidan u yeeleen ay tahay tayo xumada madaxweynaha ee dhinaca la dagaalanka fallaagada ka soo jeedda qowmiyadda Tuaregga (Duwaariqgga) ee ku sugan dhinaca woqooyi ee Mali.

Guddoomiyaha midowga africa, Jean Ping ayaa sii daayay hadal qoraal ah oo si wayn loogu cambaareynayo fallaagada, waxaana uu sheegay “in aanay jirin wax mar marsiinyo ah, wax ay doontaba ha ahatee oo sidan loo yeelo.”

Ma cadda halka uu ku sugan yahay madaxweynihii waddanka, in kastoo ay warbaahinda qaarkood sheegayaan in ilaaladiisa gaarka ay ku ilaalinayaan xero milatari.

XS
SM
MD
LG