Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Abwaan Cali Sugulle Oo La Aasay


Abwaan Cali Sugulle oo la aasay
Abwaan Cali Sugulle oo la aasay

Aaska Abwaan Cali Sugulle ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda Somaliland iyo abwaano iyo fanaaniin caan ka ah Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee, Abwaan Cali Sugle Cigaal ayaa maanta lagu aasay xabaalaha Naasohablood ee dhinaca bari ee magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Aaskan waxaa ka qeybgalay bahda suugaanta iyo madaxda Somaliland oo uu horkacayo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Fanaanniinta iyo abwaanada ka qeybgalka aaska Abwaan Cali Sugulle ayaa waxaa ka mid ahaa Sahra Axmed, Maandeeq, Xasan Ganey iyo Axmed Naaji Sacad.

Abwaan Cali Sugulle oo sameeyey heeso iyo gabayo badan waxaa si aad ah loogu yaqaan heestii "Af-qalaad aqoontu miyaa?"

Warbixintan waxaa Hargeysa ka soo diray Barkhad Kaariye.

Abwaan Cali Sugulle Oo La aasay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:54 0:00

XS
SM
MD
LG