Isku xirrada

War

Abidjan: Lourent Gbagbo oo la Qabtay

  • VOA Somali

Ivory Coast's President Laurent Gbagbo attending an official funeral ceremony in Abidjan (File)

Ivory Coast's President Laurent Gbagbo attending an official funeral ceremony in Abidjan (File)

Madaxweynihii dalka Ivory Coast Laurent Gbagbo ayaa la qabtay, ka dibna xabsiga la dhigay.

Madaxweynihii diidanaa xil wareejinta ee dalka Ivory Coast Laurent Gbagbo ayaa la qabtay Isniinta maanta ah, waxaana loo dhaadhiciyay xabsi.

Mr. Gbagbo oo tan iyo doorashadii madaxtinimada ee November ka dib diiddanaa inuu xilka wareejiyo waxaa laga soo qabtay gurigiisa magaalada Abidjan, ka dib markii ay maanta hawlgal wadajir ah gurigiisa ku qaadeen ciidamada taabacsan madaxweynaha caalami ahaan la aqoonsan yahay ee dalka Ivory Coast Alesan Outtara iyo kuwa faransiiska.

Qabashada Mr. Gbagbo waxay soo afjareysaa is mari waa siyaasadeed oo ka taagna dalkaasi muddo afar bilood ah, tan iyo markii doorashadii madaxtinimada ee november ay ka dhacday dalkaasi.

XS
SM
MD
LG