Isku xirrada

War Deg-Deg ah

C/qaasim oo Dhalliilay Go'aanka IGAD


C/qaasim oo Dhalliilay Go'aanka IGAD
C/qaasim oo Dhalliilay Go'aanka IGAD

Dr. C/qaasim Salaad Xasan, madaxweynihii TNG-dii Carta, ayaa si kulul u cambaareeyey go'aanka ay IGAD ku gaartay in dowladaha safka hore ay fara-galin karaan Soomaaliya.

Dr. C/qaasim Salaad Xasan, madaxweynihii hore ee dowladdii lagu soo dhisay tuulada Carta ee dalka Djibouti, ayaa si kulul u cambaareeyey go'aanka uu gaaray urur-goboleedka IGAD, kaas oo oggolaanaya in ciidamo ka tirsan dalalka loo yaqaanno "Safka Hore," oo ah kuwa soohdimaha la leh Somalia, inay soo gali karaan gayiga Soomaaliya.

Mudane C/qaasim, ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah oo la geeyo Soomaaliya ay sii hurin karaan colaadda ka aloosan magaalada Muqdisho. Wuxuuna tusaale usoo qaatay ciidanka nabad-ilaalinta ee AMISOM, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay madaafiic aan loo meel-dayin ku garaacaan shacabka rayidka ah, marka ay soo weeraraaan kooxaha kasoo horjeeda joogitaankooda.

Mr. C/qaasim, oo haatan ku nool magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayaa soo jeediyey in xal siyaasadeed la raadiyo, oo ay dhinacyadu isku taxallujiyaan in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafyada jira.

Dr. C/qaasim ayaa sidoo kale eedeeyey kooxaha kasoo horjeeda dowladda, gaar ahaan ururka Xizbul-Islaam, oo uu sheegay inuu la xiriiray, balse uu madax adeyg kala kulmay. Wuxuu sheegay in masuul ka yihiin dhimashada iyo dhaawaca soo gaaraya dadka rayidka ah.

Madaxweynihii hore ayaa ku eedeeyey dowladaha Reer Galbeedka, gaar ahaan dowladda Mareykanka, oo uu sheegay inay iyagu bixiyaan kharashka ciidanka dalalka dariska ah ee la filayo in Soomaaliya geeyo.

XS
SM
MD
LG