Isku xirrada

War

Abaaraha oo Dad fara Badan Barakiciyay


Abaaraha oo Dad fara Badan Barakiciyay

Abaaraha oo Dad fara Badan Barakiciyay

Kumanaan barakacayaal ah oo ka cararaya abaaraha Koonfurta Somalia ayaa qaarkood gaaray Muqdisho, halka qaarna gaadheen Kenya & Ethiopia

Abaaraha ka jira qaar ka tirsan Koonfurta Somalia ayaa dhaliyay barakac balaadhan, waxaana barakacayaashan ay haatan ku qul-qulayaan xeryaha magaalada Muqdisho ku yaalla.

Dadkan ayaa xaaladooda ay aad u liidataa, waxaana jira nafaqadarro baaladhan oo ka muuqanaysa dadkan. Max'uud Daahir Faarax, xiriirriyaha hay'addaha samafalka ee Gobolka Benaadir ayaa VOA u sheegay in dadkan qaarkood la dajiyay barxadda Tarabuunka iyo goobo kale gaddisan oo ku yaalla magaalad Muqdisho.

Dhinaca kale, hay'adda UNHCR ayaa sheegtay in abaaraha iyo colaaddaha Somalia ay sannadkan barakiciyeen 135.000 oo qof, kuwaasoo qaarkood u gudbeen dalalka Kenya iyo Ethiopia.

XS
SM
MD
LG