Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abaal Marinta Noble Peace Prize


Abaal Marinta Noble Peace Prize
Abaal Marinta Noble Peace Prize

Sadex haween oo laba ka mid ah ay ka soo jeedaan Liberia iyo Gabar reer Yemen ah ayaa ku guuleeystay abaal marin caalami ah

Madaxweynaha wadanka Laberia, oo ah Haweeneeydii ugu horeeyay oo si demuqraadi ah loogu doorto madaxweeyninimo Qaaradda Africa, haweeneey u dhaqdhaqaada Xuquuqul Insaanka oo iyana u dhalatay Liberia iyo Gabar Yemeni ah ayaa Jimcihii shalay ku guuleeystay abaal marinta caalamiga ah ee loo yaqaan Nobel Peace Prize

Abaal marintan oo xambaarsan Lacag gaareeysa $1.5 million ( hal milyan iyo Bar ) ayaa loo kala qeeybiyay Madaxweynaha Liberia Ellen Johnson Sirleaf, Haweeneyda kale ee reer Liberia ee nabadda u ololeeysa Leyma Gbowee iyo Haweeneey iyana u dhaqdhaqaaqda Demuquraadiyadda oo reer Yemen ah Tawakkul Karman

Tawakkul Karman ayaa abaal marintan ku muteeysatay ineey tahay haweeney u istaagtay ineey ka soo horjeesato xukumadda kali taliska ah ee Yemen iyo doorka ay ku leedahay xaqiijnta xuquuqda dumarka Yemen.

Abaal marinta la gudoonsiiyay Tawakkul Karman ayeey gudigii magacaabay ku sheegeen ineey muhim u tahay nabadda dunida Carabta ee horu mareeysa. Halkaasoo ay ka jiraan dhaq dhaqaaqo xuriyad doon ah iyo kacdoono ka dhan ah xukumado wax ku amar taagleeya

Tawakkul Karman ayaa sidoo kale noqoneeysa haweeneeydii ugu horeeysay ee carbeed ee ku guuleeysata abaal marinta noocan ah.

Hadaba faahfaahin ku saabsan Tawakkul Karman oo uu Sanca inooga soo diray wariyeheena Jacfar Kuukaay halkan hoose ka dhageeyso

XS
SM
MD
LG