Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Libya oo la Saaray Aag Duulimaadka ka Caagan


Libya oo la Saaray Aag Duulimaadka ka Caagan
Libya oo la Saaray Aag Duulimaadka ka Caagan

Qaraarka ansixinta mamnuucista duulimaadka militari ee Libya waxaa isku raacay 10 dal, waxaa ka gaabsaday dalalka Brazil, China, Germany, India iyo Russia.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi uu maalintii shalay ahayd yeeshay iskugu raacay qaraar Libya ku soo rogaya aag duulimaadka ka caagan.

Qaraarkan waxaa isku raacay 10 dal, waxaa ka aamusay 5 dal oo kala ah Brazil, China, Germany, India, iyo Russia.

Dalalka Faransiiska iyo Norwey waxay sheegeen inay ku biiri doonaan faragelinta lagu sameynayo Libya ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku soo rogay aag duulimaadka ka caagan.

Ilo diblomaasiyadeed oo Faransiis ah ayaa sheegaya in faragelin militari oo caalami ah ay iman karto saacado gudohood, si loo joojoyo ciidamada daacadda u ah Mucamar Qadaafi si looga joojiyo waxyeelleynta shacabka.

Kumanaan taageerayaasha mucaaradka ayaa Khamiistii isugu soo baxay waddooyinka magaalada Benghazi, si ay ugu riyaaqaan go’aanka Qaramada Midoobay, waxaanay cirka u rideen rasaas iyo ifka damaashaadka.

XS
SM
MD
LG