Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aadan Madoobe: Xukuumadda Waan Gaynayaa Baarlamaanka


Aadan Madoobe: Xukuumadda Waan Gaynayaa Baarlamaanka
Aadan Madoobe: Xukuumadda Waan Gaynayaa Baarlamaanka

Ku simaha Ra’isal wasaaraha Somalia ahna wasiirka dekdedaha ee DKMG ayaa sheegay in maanta oo Talaada ah ay xukuumaddu haortagi doonto Baarlamaanka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in uu waraaq qoraal ah ka helay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka, waraaqdaasi ayaa sida uu sheegay waxa ay 111 xildhibaan ku codsadeen in ay xukuumaddu hortimaaddo Golaha Baarlamaanka si ay kalsooni u weydiisato.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay dalka ka maqanyihiin Ra ’isal wasaare Cumar Cabdirashiid, iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Sh Adan.

Sh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in sharcigu u ogolyahay maaddama uu yahay sii haya xilka Ra’sal wasaaraha in uu ka jawaabo codsiga guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo isaguna sii haya jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waraysiga Sh Aadan Madoobe ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG