Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aadan Madoobe: Xildhibaanadu Waa Naftood Hurayaal


Aadan Madoobe: Xildhibaanadu Waa Naftood Hurayaal
Aadan Madoobe: Xildhibaanadu Waa Naftood Hurayaal

Guddoomiyaha baarlamaanka Sh Aadan Madoobe ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay VOA waxa uu kaga hadlay duruufaha ku xeeran baarlamaanka.

Duruufaha oo ay ka mid yihiin mushaar la’aanta xubnaha baarlamaanka, amniga, iyo heshiisyada dowladda ay waddo.

Guddoomiyuhu waxa kaloo uu ka hadlay dowladaha dariska oo xarriga u geysta xubnaha ka tirsan baarlamaanka oo ay ugu dambeysay laba ka mid ah mudanayaasha baarlamaaka oo wali ku jira gacanta dowladda Ethiopia.

Guddoomiye Aden Madoobe ayaa tilmaamay in beesha caalamku ay ka gaabisay ballan qaadkii ay u samaysay DKMG .

Waxaana uu xusay in xildhibaanadu ay mudanyihiin in lagu bogaadiyo xaaladda adag iyo amaan xumida jirta ee ay u badheedheen in ay ku shaqeeyaan.

Waraysiga Guddoomiyaha oo dhamaystiran ka dhegayso midigta sare ee boggan.

XS
SM
MD
LG