Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aadan Madoobe oo ka Hadlay Khilaafka Dastuurka


Aadan Maxamed Nuur
Aadan Maxamed Nuur

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in khilaaf siyaasadeed uu iman karo, balse loo baahan yahay in mar kasta la ilaaliyo Axdiga KMG ah.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka dekedaha ee dowladda KMG ah Sheekh Aadam Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in ay jiraan dhaliilo badan oo dhanka ammaanka magaalada Muqdisho. Aadan Madoobe oo sidoo kale ah ku simaha xilka ra’iisal wasaaraha xukuumadda ayaa wareysi khaas ah oo uu siiyay VOA-da kaga hadlay khilaafka ka aloosan dastuurka qabyada ah ee dhowaan la soo bandhigay.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (aadan madoobe) ayaa si kulu u eedeeyay kooxaha ka soo horjeeda dowladda ee Muqdisho dagaalka kula jira, isagoo sheegay in kooxahaasu ay lahaayeen ujeedo balse ay ku guul darreysteen. Hase yeeshee sheikh Aadan Madoobe ayaan meesha ka saarin dhaliisha ay leeyihiin ciidamada dowladda.

Maadaama ay jiraan dhibaatooyin badan oo ka dhacay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho kuwaasoo saameyn ku yeesha shacabka aan dagaallada ku lug lahayn, ayuu ka ra’iisal wasaare ku xigeenku ka warramayaa waxa dowladda uga qorsheysan dhanka ammaanka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in dagaalka Soomaaliya ka socda uusan ahayn mid u dhaxeeya Soomaalida dhexdeeda, wuxuuna sheegay inuu salka ku hayo fikrad dibadda laga keenay oo ay wataan ayuu yiri kooxo argagixiso caalami ah.

Caqabadaha dowladda ka haysta dhanka ammaanka ka sokow, khilaafka muuqda ee ka dhex jira madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa laftigiisu wuxuu yahay dhibaato kale oo dowladda dhinac kaga furan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu rajeynayo in khilaafka iyo is faham la’aanta ka taagan qabyo-qoraalka dastuurka uu soo dhammaan doono, isagoona sheegay inay muhiim tahay in mar kasta tanaasul la sameeyo.

Wuxuu kaloo sheikh aadan Madoobe tilmaamay in qabyo qoraalku uu u baahan yahay ka qeyb qaadasho dhinacyada bulshada Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee mar uu ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ka hadlay dastuurkan muranka dhaliyay ayuu wuxuu sheegay in uu yahay dastuur qabyo ah oo ay furan tahay in waxna lagu dari karo, waxna laga dhimi karo, isagoona sheegay in looga gudbayo Marxaladda KMG ah.

XS
SM
MD
LG