Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aabe iyo Labadiisa Carruur oo ku Dhintay Qaraxii Lafoole


Baabuurka qarxay
Baabuurka qarxay

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay Bambaano nooca wadada dhinaceeda la dhigo oo ku qaraxday gaari rakaab ah oo marayay meel ku dhow deegaanka Lafoole, inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Maamulka degamada Afgooye ayaa u sheegay VOA in 18 qof oo ka mid ahaa 20 rakaab ah oo saarnaa baskaasi ay dhinteen, labada kalena ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Mid ka mid ah ehellada dadkii masiibadaa naftooda ku waayay ayaa ka hadashay sida uu warku ku soo gaaray.

Sahra Cabdi Axmed ayaa la hadashay Ayaan Maxamed Xirsi oo gaarigaas uu kaga dhintay adeerkeed Axmed Ayaanle iyo laba carruur ah oo uu dhalay, ahaana milkiilihii gaariga ay miinadu la kacday.

Wareysi: Qaraxii Lafoole
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:08 0:00

XS
SM
MD
LG