Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aabaha Wiil ku Xiran Mandheere oo Hadlay


Aabaha Wiil ku Xiran Mandheere oo Hadlay
Aabaha Wiil ku Xiran Mandheere oo Hadlay

Aabaha wiil Soomaaliyeed oo haysta dhalashada Maraykanka oo ku xiran Mandheera Kenya ayaa sheegay in wiilkiis dambi la'aan la xiray.

Todobaadkii hore waxaa magaalada Mandheera ee dalka Kenya lagu xiray wiil Soomaalyeed oo lagu magacaabo Aadan Cabdiweli oo haysta dhalasho Maraykan ah, kaasoo lagu tuhmay inuu ka qeybgalay dagaaladii ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee dhexmaray ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa al-Shabaab.

Hase yeeshee Cabdiweli Aw-Maxamed Jaamac oo ah aabaha wiilkaasi la xiray ayaa beeniyay tuhunka loo xiray wiilkiisa, wuxuuna sheegay inuu si joogta ah ula xiriirayay uuna hubo inuusan marnaba ka gudbin xuduudka Kenya.

Kenya ayaa il gaar ah ku haysay dhaqdhaqaaqa magaalooyinkeeda ku yaalla xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG