Isku xirrada

War Deg-Deg ah

London: Weerar Lagu Qaaday Dad Masjid ka soo Baxay


Booliiska magaalada London ayaa sheegay in baabuur la jiirsiiyay dad ka soo baxay masaajid ku yaalla magaalada London xaley, xilli ay soo tukadeen salaadda taraawiixda.

Booliska ayaa xaqiijiyey dhimashada hal qof iyo dhaawaca 10 qof oo kale.

Gaari Van ah ayaa la sheegey in dadkan uu ku jiirey banaanka masaajidkan oo ku yaala Finsbury Park ee Waqooyiga magaalada London.

Booliska ayaa sheegey in ay gacanta ku hayaan ninki wadey gaarigan oo ay horistaageen inuu baxsado dadkii masaajidka ka soo baxay ee goobta joogey, kuwaasoo markii danbana u dhiibey booliska.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa weerarkan ku qeexday dhacdo aad u xun.

Harun Khan oo ah xoghayaha guud ee golaha muslimiinta Britain ayaa sheegay in ninka weerarkan fuliyey "ay dhiirigelisay islama naceybka".

XS
SM
MD
LG