Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Alshabab oo Hoobiyeyaal ku Tuurey Buulobarte


Maleeshiyada Al-Shabab ayaa xalay madaafiicda hoobiyaha ku weeraray magaalada Buulobarte ee Gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa VOA u sheegay in hoobiyayaasha aysan cidna waxba ku noqon.

Ciidamada Jabuuti iyo kuwa dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku baxeen degaanno ku dhow magaalada oo lagu tuhunsanaa in Al-Shabab ay hoobiyayaasha kasoo tuureen.

Isgaarsiinta oo hawada ka maqnayd maanta ayaa haatan dib usoo laabatay, sidoo kale waxaa magaalada saaka ka degay diyaarado kuwa ganacsiga ah.

XS
SM
MD
LG