Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Malaayiin Qof oo Maanta u Dareeray Doorashada Britain


Doorashada guud ee ka dhacaysa guud ahaan dalka Britain waxaa isu diiwaan-galiyay 47 milyan oo qof oo cod-bixiyayaal ah oo u dareeray sanaadiiqda codbixinta oo gaadhaya 40’000 oo sanduuq si ay u doortaan cidda hogaamin doonta dalkan.

Ra’iiusl Wasaaraha Britain, Thersa May ayaa bil iyo 3 todobaad ka hor ku dhawaaqday doorashada maanta oo xiligeedii laga soo hormariyay.

Sanaadiiqda codbixinta oo saaka loo dareeray ayaa furnaan doona ilaa 10-ka fiidkii ee caawa, natiijada ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqi doono goor-dambe oo caaw ah ilaa iyo barrio o jimca ah.

Ra’iiusl wasaaraha Britain ayaa codkeeda ka dhiibatay deegaanka Sonning ee magaalada Berkshire ee gobolka Englad.

Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha, Jeremy corbyn ayaa isna codkiisa ka dhiibtay xaafadda Islington, ee woqooyiga London.

Hogaamiyayaasha kale ee xisbiga Liberal democtar , UKIP Green party iyo SNP ayaa iyaguna codokooda dhiibtay iyadoo 24-kii saac ee lasoo dhaafay si xoog badan loo dareemay ololaha doorashada oo sii xoogaysanayay.

Amaanka guud ayaa aad loo adkeeyay, waxaana dhowr maalomood la hakiyay ololaha doorashada kadib weerardii ka dhacay Manchester iyo London.

650 kuraastra baarlamanka ayaa lagu loolamayaa. 553 kamid ah kuraastaasi waxaa laga dooranayaa gobolka England. 59 kursi waxaa laga soo dooran doonaa gobolka Scotland. 40 mudanayaal baarlamaan ah waxaa ay kai man doonaa gobola welse , halka 18 mudanayaal baarlamaana laga soo dooran doono woqooyiga Ireland.

Xisbiga ku guulaysta 326 kuraasta baarlamanka ah ayaa hogaamin doona dalka.

Doorashadii guud ee dhacday sanadkii 2015 waxaa codadkii ugu badnaa helay xisbiga conservative-ka oo uu hogaaminayay David Cameron, waxaana xisbigiisu uu helay 12 kuraas oo dheeraad ah kadib shan sano oo ay dawlad-wadaag ay ahaayeen xisbiga liberal democrat.

Guud ahaan dadka codadkooda dhiibtay doorashadaasi 2015 waxaa lagu qiyaasay 66.2%.

Xisbiga conservative-ka ayaa ku sanadkii 2015-kii ku guulaystay 331 kuraasta baarlamanka, Xisbiga shaqaalaha ee Labour ayaa ku guulaystay 232 kuraasta baarlamanka, xisbiga UKIP ee xagjirka ayaa helay hal cod , halka Liberal democrats uu helay 8 kursi.

Hase yeeshee Ra’iiusl Wasaare David Cameron ayaa iska casilay xilkaasi wax yar uun kadib markii dadweynaha Britain ay u codeeyeen in dalkoodu uu ka baxo Midowga Yurub kadib aftidii dhacday 23-kii June ee sanadkii hore, kadibn waxaa xilkaasi uga dambaysay Ra’iiusl Wasaare May oo haysay xilka tan iyo July sanadkii 2016-kii.

XS
SM
MD
LG