Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiil Soomaali ah oo ka Qalin Jebiyey Machadka MIT


Mubarak
Mubarak

Iyadoo ay jiraan boqolaal dhalinyaro ah oo tahriib iyo dan-daro ugu le'da bad iyo bariba, ayaa haddana dhanka kale waxaa jira kuwa nolosha kasoo bilaabay meel hoose oo gaaray heer sare.

Mubaarak Maxamed Maxamuud waa wiil ku dhashay baaddiyaha Dhulka Soomaalida Itoobiya, waxana uu ku qaatay waxbarashada aasaasiga iyo heerka sareba magaalada Hargeysa, gaar ahaan dugsiga Abaarso.

Hadda waxa uu nasiib u yeeshay inuu todobaadkan ka qalin jabiyo Machadka taknoolajiyadda ee Massachusetts ee MIT loo soo gaabiyo ee dalkan Mareykanka, kadib deeq waxbarasho ah oo uu ka helay sanado ka hor.

Machadka MIT waa mid ka mid ah jaamacadaha ugu sarreeya ee dalka Mareykanka, wuxuuna si gaar ah ugu wanaagsan yahay cilmiga taknoolajiyadda la xiriira.

Sahra Cabdi Axmed, ayaa warbixintan ka diyaarisay.

Dhageyso Warbixinta Mubarak
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:04 0:00

XS
SM
MD
LG