Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Ilyas Barre oo ka Hadlay Weerarada Al-Shabaab


Maleeshiyada ururka al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay macalli ku dileen, sidoo kalena macallin kale ay ku afduubteen weerar ay xalay ku qaadeen tuullada FAFI oo 90 km u jirta magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Maleeshiyadan ayaa sidoo kale weerarkaasi ku gubay dugsi halkaasi ku yaalla, sidoo kalena burburisay anteennooyin ay lahayd shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.

Warar dheeraad ah oo VOA ay deegaankaasi ka heshay ayaa sheegaya in maleeshiyada al-Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ciimada amniga Kenya oo gurmad ahaan loogu diray deegaanka Fafi ee weerarku xalay ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay kolonyadaasi ka gubeen baabuur, iyadoo ay dhaawacmeen 3 askari, halka askari kalena ay maleeshiyadu afduubatay.

Haddaba weriyaha VOA Maxamed Faarax Shire ayaa weerarada sii kordhaya ee maleeshiyada al-Shabaab ka fulinayaan gudaha Kenya wuxuu ka wareystay Elyas Barre Shiil, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo gobolka Waqooyi-Bari laga soo doorto.

Wareysi: Ilyas Barre
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:41 0:00

XS
SM
MD
LG