Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Dad ku Dishay Kana Afduubatay Gudaha Kenya


Shabaab
Shabaab

Maleeshiyada ururka al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay qof ku dileen, sidoo kalena macallin ay ku afduubteen weerar ay xalay ku qaadeen tuullada FAFI oo 90 km u jirta magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Maleeshiyadan ayaa sidoo kale weerarkaasi ku gubay dugsi halkaasi ku yaalla, sidoo kalena burburisay anteennooyin ay lahayd shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.

Weerarkan ayaa imanaya ayada oo maalmihii ugu dambeeyey dhowr qof lagu dilay qaraxyo ku dhacay deegaano ku yaalla gobolka waqooyi bari Kenya ee ku dhow xuduudda Soomaaliya.

Caasho Ibraahim ayaa arrimahan ka wareysatay weriyaheena Waqooyi-Bari Kenya Maxamed Faarax Shire.

Wareysi: Maxamed Faarax Shire
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:45 0:00

XS
SM
MD
LG