Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cudurka Shubanka oo ka Dilaacay Xabsiga Burco


Cisbitaalka Burco
Cisbitaalka Burco

Saddex maxbuus ayaa geeriyooday, 52 kale oo ay ku jiraan ciidanka ilaalada xabsigana waxa loola cararay cisbitalka ka dib markii cudurka shubanku uu ka dillaacay Xabsiga dhexe ee magaalada Burco.

Cudurkan ayaa waxaa shalayu dhintay hal qof, halka tirada dhimashadu maanta marayso saddex qof.

Wasiiru-dawlaha wasaaradda Caddaaladda Somaliland Khadar Axmed Diiriye ayaa VOA uga warramay dhimashadan iyo tallaabooyinka ay qaadeen.

Wasiiru dawlaha oo u waramay Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa ugu horayn ka hadlaya sida xanuunku u dillaacay.

Wareysi: Khadar Axmed Diiriye
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:57 0:00

XS
SM
MD
LG