Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Hor leh oo loo Xiray Weerarkii Manchester


Booliiska Manchester
Booliiska Manchester

Booliiska Britain ayaa maanta sheegay inay xireen nin 23 jir ah oo lala xiriirinayo qaraxyadii toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Manchester, taasi oo dadka qaraxyadaas u xiran illaa hadda ka dhigeysa 14 qof.

Booliiska Greater Britain ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in qofka la xiray lagu tuhmayo ficillo ka dhan ah xeerka argagixisada dalkaas.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in shalay ay qof kale oo 25 jir ah ka qabteen agagaarka Old Trafford ee Manchester, halka qof 19 jir ahna lagu xiray xaafadda Gorton.

Qaraxyadii 22-kii bishan May ka dhacay xarunta Manchester Arena, oo ay ka heeseysay fanaanadda Mareykan ee Ariana Grande ayaa waxaa lagu dilay 22 qof, ayada oo in ka baadan 100 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Booliiska ayaa ninka fuliyey weerarka oo ismiidaamin ahaa ku sheegay 22 jir lagu magacaabo Salman Abede oo u dhashay magaalada Manchester, waxaana ay wadaan baaritaano ku saabsan dhaqdhaqaaqyadiisii ugu dambeeyey, si ay go’aan uga gaaraan haddii dad kale ay ku lug lahaayeen weerarka.

XS
SM
MD
LG