Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari ka Tirsanaa NISA oo Dil Toogasho Lagu Fuliyey


Muqdisho
Muqdisho

Maxkamadda ciidamada Soomaaliya ayaa maanta dil-toogasho ah ku fulisay Yuusuf Xasan Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada nabad-sugidda Soomaaliya.

Yuusuf waxa uu magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe bartamihii sanadkii lasoo dhaafay ku toogtay C/Wali Ibraahim Maxamed oo ahaa taliyihii nabad-sugidda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa kaloo Yuusuf Xasan Maxamed oo ah qofka maanta la toogtay lala soo qabtay 3-ruux oo kale kuwaasi oo labo ka mid ah ay maxakamddu ku xukuntay min labo sano iyo lix bilood oo xabsi ciidan ah, halka midka kalena ay maxkamada sii deysay kadib markii ay sheegtay in dambi lagu waayay.

XS
SM
MD
LG