Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar Kenyan ah oo Qarax Lagu Dilay


Laba askari oo ka mid ah ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa ku dhimatay laba kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii gaari ay wateen ay la qaraxday miino loo dhigay.

Gaariga la weeraray ayaa ku jiray howlgal ay waddooyin ku fureyeen.

Waa markii saddeaad oo muddo 24 saac gudaheed ah oo dagaankaasi lagu weeraro askarta dalka Kenya ee ku sugan degaankaasi Malele oo ka tirsan gobolka woqooi bari Kenya.

Laba qarax oo kala duwan oo shalay dhacay ayaa lagu dilay sideed askari oo ka tirsanaa ciidamada dalka Kenya.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Caasho Cuud ayaa khadka taleefonka ee Gaarisa ku wareystay weriyaheena Maxamed Faarax Shire oo ka warramaya dhacdadan.

Askar qarax lagu dilay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:30 0:00

XS
SM
MD
LG