Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Philippine oo Galay Magaalo ay Haystaan Abu Sayyaf


Ciidamada Philippine ayaa maanta galay magaalo la haysto oo ku taalla jasiiradda koonfureed ee Mindanao, si ay halkaas uga nadiifiyaan dagaalyahano Islaami ah oo qabsaday horraantii toddobaadkan.

Laba diyaarad oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa dul heehaabaya magaalada ayada oo taankiyada dagaalka ay xaafadaha galeen, xilli la maqlayo rasaas iyo qaraxyo culus.

In badan oo ka mid ah dadka degan magaalada Marawi oo gaaraya illaa 200,000 ayaa billaaabay inay ka qaxaan.

Xasaradaha ka taagan magaalada ayaa billaabmay talaadadii markii ciidamada Philippine ay billaabeen howl ay doonayaan inay kusoo xiraan hoggaamiyaha kooxda Abu Sayyaf, Isnilon Hapilon oo la rumeysan yahay inuu magaalada ku dhuumanayo, islamarkaana uu qabo dhaawac.

Milatariga dowladda ayaa sheegay in lix ka mid ah ciidamada dowladda iyo 13 mintidiin Islaami ah lagu dilay dagaalka.

XS
SM
MD
LG