Isku xirrada

War Deg-Deg ah

5 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Boosaaso


Boosaaso
Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Bosaaso ee Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay bar kontorool oo ciidamada Puntland ay gaadiidka ku baadhayeen.

Goobta qaraxa lala eegtay ayaa ah isgoys u dhexeeya Dawladda Hoose iyo Rugta Ganacsiga, waxaana halkaas ku geeriyooday illaa shan qof oo uu ku jiro qofka isqarxiyey.

Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo la hadlay VOA ayaa sheegay in hal askari uu ka mid ahaa dadka qaraxa ku dhintay, sidoo kalena laba qof oo rayid ahi ay ku jireen dadka dhintay.

Taliyaha ayaa sheegay in illaa haatan la xaqiijin karo dhaawaca shan qof, hase ahaatee weli waxaa socota qiimaynta khasaaraha ka dhashay qaraxan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxan ay sheegatay kooxda Daacish.

Wixii warara ee ka soo kordha qaraxan kala socda idaacadahayaga soo socda.

XS
SM
MD
LG