Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ninkii Fuliyey Weerarka Manchester oo la Aqoonsaday


Ninkii isku miidaamiyey xarunta Manchester Arena ee magaalada Manchester ee dalka England ayaa la aqoonsaday inuu yahay Salman Abedi, sida ay booliska sheegeen.

Madaxa Booliiska Manchester, Ian Hopkins ayaa sheegay in Abedi oo 22 jir ahaa uu yahay ninka la tuhunsan yahay inuu weerarka fuliyey mana bixin wax faahfaahin ah oo intaas dheer.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo lagu dilay 22 qof, islamarkaana 59 kale lagu dhaawacay.

Kooxda ayaa sheegtay in “askari ka tirsan khilaafada” uu ka mas’uul ahaa weerarka oo lagu qaaday dad Daacish ay ku sheegtay “Gaallo”.

Booliiska ayaa sheegay in in badan oo ka mid ah dadka la dilay iyo kuwa la dhaawacay ay ahaayeen carruur iyo dhallinyaro.

Booliiska Britain ayaa sheegay in baarayaasha ay rumeysan yihiin in ninka weerarka fuliyey uu xirnaa aalad qaraxda, oo uu qarxiyey markii ay dadka kasoo baxeen xarunta oo uu ka socday bandhig ay dhigeysay fanaanadda Mareykan ee Ariana Grande.

XS
SM
MD
LG