Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fallanqeyn: Saameynta Weerarkii Manchester


Ugu yaraan 22 ruux ayaa ku geeriyootay, ku dhawaad 59 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu qarax weyn xalay ka dhacay goob uu ka socday bandhig faneed, oo ku taalla magaalada Manchester, ee dalka Ingiriiska.

Qaraxa ayaa dhacay waxyar kadib markii ay dadka billaabeen inay kasoo baxaan xarunta Manchester Arena, xilligaas oo uu dhammaaday bandhigga ay sameyneysay fanaanada reer Mareykan ee Ariana Grande.

Weerarka ayaa walaac badan ka dhaliyay dalka Britain, iyada oo lagu tilmaamay mid ka mid ah weerardii ugu weynaa ee dhawaanahan ka dhaca dalkaasi.

Xuseen Barre ayaa saamaynta qaraxan ka waraystay Maxamed Xaaji Maxamud oo ka faallooda arrimaha siyaasadda kuna sugan dalka Britain.

Wareysi: Maxamed Xaaji
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:59 0:00

XS
SM
MD
LG