Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Trump oo Tagey Tel Aviv


Trump US Israel
Trump US Israel

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta tagey Israel, halkaasi oo uu ku bixinayo booqashadiisa ugu horeysay isaga oo madaxweyne ah, wuxuuna doonayaa inuu dib usoo nooleeyo dadaallada heshiiska nabadeed ee muddo loo raadinayo Israel iyo Falastiin.

Safarka Trump uu kaga yimid magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ee uu ku tagay Tel Aviv ayaa ahaa mid taariikhi ah, ayada oo diyaaradda Air Force One ay markii ugu horeysay duulimaad toos ah isaga gudubtay labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo madaxweyne Reuven Rivlin ayaa ka mid ah kuwa kasoo qeyb galay xafladdii soo dhoweynta ee Trump loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Ben-Gurion Airport.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa maanta la kulmi doona labada hoggaamiye, waxaana uu booqan doonaa Darbiga Galbeed, oo ah halka ugu barakeysan diinta Yahuuda.

Trump ayaa maalinta talaadada wada-hadallo la yeelan doona madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas.

Trump ayaa bishii March sheegay in heshiis nabadeed oo la dhex dhigo Israel iyo Falastiin “laga yaabo inuusan u adkeyn sida dadka qaar ay moodaan”.

XS
SM
MD
LG