Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo Riyad Gaaray


Waxaa goor dhowayd madasha shirka Carabta iyo Islaamka iyo dawladda Maraykanka ee Riyadh soo gaadhay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxwyene Farmajao ayaa saaka kasoo kicitimay magaalada Muqdishu, waxaana uu isla duhurnimadii ka degay magaalada Riyaadh.

Madaxweyne Trump ayaa booqahso laba maalmood ah ku jooga dalka Sucuudiga isaga oo la kulmay boqorka dalkaasi, waxaa kale oo uu la hadli doonaa hoggaamiyayaasha waddamada Islaamka.

Dhinaca kalena, qarax ayaa la sheegay goor dhowayd inuu ka dhacay agagaarka degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdishu. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa miino lala eegtay kolonyo baabuur ah oo ay saarnaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya. Waxaa la sheegay in qaraxaasi uu gaystay khasaare, ilaa haddana ma cadda tirada dadka waxyeelladu kasoo gaadhay.

XS
SM
MD
LG