Isku xirrada

Dad goobjoogeyaal ah oo ku sugan magaalada New York ayaa sheegay in baabuur uu dad badan ku jiiray fagaaraha Times Square, halkaasi oo ugu yaraan hal qof uu ku dhintay.

20 qof oo kale ayaa lagu soo warramay inay ku dhaawacmeen dhacdadan, mana muuqato in arrintan ay xiriir la leedahay fal argagixisanimo, sida laga soo xigtay booliiska New York.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in darawalka baabuurkan ay xireen booliiska.

Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu war-geliyey dhacdadan, waxaana la sheegay in lala socodsiin doono wixii kusoo kordha, sida uu sheegay afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer.

Faahfaahinada ku saabsan shilkan ayaa weli soo baxaya. Booliiska ayaa xiray gebi ahaan goobta uu shilka ka dhacay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG