Isku xirrada

Ilhan Cumar oo Ka Walwalsan Jadeecada Carruurta Minnesota


Ilhaan Cumar

Kulan wacyigelin ahaa oo xoogga lagu saaray ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka Jadeecada oo maalmahan farba,an ku haysa carruurta Soomaalida gobolka Minesota ayaa xalay ka dhacay magaalada Minneapolis.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Ilhan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada ee Gobolka Minnesota ayaa waxaa ka qeybgalay mas,uuliyiin ka socda waaxda caafimaadka ee gobolka Minesota iyo qaar ka mid ah bulshada Soomaaliya.

Wariyaheena Maxamud Mascade oo kulanka goob joog ka ahaa ayaa wareystay Ilhan Cumar.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG