Isku xirrada

War Deg-Deg ah

3 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Muqdisho


Qarax (Sawir hore)
Qarax (Sawir hore)

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen qarax gaari oo maanta ka dhacay meel ku dhow saldhigga booliska degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa yimid xilli ay askartu ku howlaneyd kala furfurista walxaha qarxa oo saaraa gaarigaas, kadib markii laga war-helay gacantana lagu soo dhigay.

Ka hor qaraxa gaariga ayaa waxaa dhacay israsaaseyn dhex maratay ciidamada dowladda iyo maleeshiyadii wadatay gaariga, halkaasi oo lagu dilay mid ka mid ah maleeshiyada.

Wariyeheenna Xassan Kaafi Cabdiraxman qoyste ayaa warbixintan inooga soo diray Muqdisho.

Qarax ka dhacay Muqdisho
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:34 0:00

XS
SM
MD
LG