Isku xirrada

Al-Shabaab oo Weerar ka Fulisay Mandhera


Mandhera

Dawladda Kenya ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Mandhera lagu dilay weerar ay xalay Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Cumar Jilacow oo u dhow magaalada Mandhera.

Booliiska gobolka ayaa sheegay in weerarkaasi uu ku dhintay Deeqow Cabbey oo ahaa caaqilka Cumar Jilacow.

Mas’uuliyiintu waxay beeniyeen inay jiraan xubno ka tirsan booliiska oo la afduubay, waxayna sheegeen inuu socdo hawlgal ay ku daba joogaan dadka ka dambeeyey weerarkaasi.

Warbixintan waxaa Gaarisa nooga soo diray Maxamed Faarax Shire.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG