Isku xirrada

Yemen: Cudurka Daacuunka oo ka Dilaacay Sanca


Xaalad bani'aadnimo oo deg deg ah ayaa lagaga dhawaaqay caasimadda dalka Yemen ee Sanca, ka dib markii halkaasi uu ka dilaacay xanuunka daacuun caloolaha ay u dhinteen tobanaan qof.

Isbitaalada magaalada oo ay maamusho Jabahadda Xuutiyiinta ayaa waxaa buux dhaafiyay bukaanada uu hayo xanuunkan.

Hey’adda Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in muddo todobaad gudihiisa ah dadka looga shakisanyahay inuu hayo Koleraha ay sadex jeer kor u kaceen oo ay gaarayaan in ka badan 8,500 oo qof. Tan iyo 27ki bishii Aprilna ay u dhinteen guud ahaan dalkaas 115 qof.

Yemen oo dagalo ay ka socdeen sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku nool Somali ku go’doomay, wariyeheenna Jacfar Kukay ayaa la xiriiray, Gudoomiyaha Qaxootiga Soomalida ee Yemen Dahabo Cabdi Faarax.

XS
SM
MD
LG