Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Ammaanka oo Kulan ka Yeelanaya K. Woqooyi


Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu maalinta Salaasada uu qabto kulan degdeg ah oo looga hadlayo tallaabada ugu dambaysay ee Kuuriyada Woqooyi ay ku tijaabisay gantaalka.

Maraykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa codsaday kulan degdeg ah ka dib markii Pyongyang ay tijaabisay gantaal cusub kaas oo gaadhi kara illaa 4,500 oo KM.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa maanta oo Isniina sheegay inuu caalamka u kala dirayo ergo ka hawlgala xidhiidhka dalkiisa iyo bulshada caalamka iyo weliba inuu dunida ku baraarujiyo tallaabooyinka isasoo taraya ee Kuuriyada Woqooyi ku tijaabinayso gantaallada.

XS
SM
MD
LG