Isku xirrada

Allah u naxariistee waxaa xalay gurigiisa oo ku yaalla degdmada Cabdulcasiis ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday, Professor Abuukar Cusmaan Abikar oo loo yaqaan Proffesor Looxoow.

Professor Looxow wuxuu ahaa aqoonyahan Somaliyeed oo wax ku bartay Jaamacaddi Soomaaliya iyo sidoo kale jaamacado ku yaalla Mareykanka. Waxa

Wuxuu madax ka soo noqdey qeybo kala duwan oo ka mid ah Wasaaradaha Beeraha, Arimaha Dibadda, Maaliyadda ee Soomaaliya.

Sida ay qireen Madax tira badan oo ay VOA manta la hadashey, Professor Looxow waxa uu ku caanbaxey qoraalada dhaadheer ee qorsheynta iyo Istraatijiyooyinka Arimaha horumarinta ee uu Wasaaradaha uu ka soo shaqeeyey u diyaarin jirey.

Wariyeha VOA Sahra Cabdi Axmed oo joogta Washington ayaa warbixintan ku eegeysa taariikhda Profesor Abukar Cusnam Abiikar.



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG