Isku xirrada

Soomaali Laga Tarxiilay Mareykanka oo Muqdisho la Geeyey


Garoonka Muqdisho

Diyaarad sidda 67 Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka ayaa kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, sida ay saraakiisha garoonka u sheegeen idaacadda VOA.

Saraakiisha socdaalka ayaa VOA u sheegay in dadka lasoo tarxiilay haatan lagu diiwaangelinayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Waxa ay saraakiishu sheegeen in mas’uuliyiinta Maraykanku u sheegen Soomaalida in dadkan ay ku jireen xabsiyo ku yaalla Maraykanka halka qaar kalena ay ku guuldarraysteen inay magangelyo helaan.

Waa kooxdii saddexaad ee muwaadiniin Soomaali ah ee laga soo tarxiilo Maraykanka tan iyo intii uu xukunka Maraykanka qabtay Madaxweyne Donald Trump.

Bishii Jannaayo waxaa lasoo tarxiilay 90 qof, halka bishii Maarso lasoo tarxiilay 68 qof.

Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Jaamac Axmed Cali oo ka mid ahaa dadka lasoo tarxiilay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG