Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka London ee Soomaaliya oo Furmay


Shirka London
Shirka London

Shir caalami ah oo ku saabsan dardar gelinta horumarka amni ee Soomaaliya iyo dhisidda taageero caalami ah oo la siiyo ayaa maanta ka furmay magaalada London ee dalka Britain.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May, xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, madaxda qaar ka mid ah dalalka deriska, iyo wakiilada dalal kale iyo urur caalami ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in inkasta oo Soomaaliya horey loogu qabtay shirar badan, haddana shirkan uu kaga duwan yahay kuwii hore in waqtigan Soomaaliya ay joogto “xaalad aysan marnaba dib u laaban doonin”.

Waxa uu sheegay in dowladdiisa ay ka dhabeyn doonto ladagaalanka saddexda cadow ee Soomaaliya ay leedahay, sida uu yiri, kuwaas oo kala ah, “argagixisada, musuq-maasuqa iyo saboolnimada”.

Xoghayaha guud ee QM, Antonio, Gutteres, oo shirk aka hadlay, ayaa ku baaqay in 900 milyan oo dollar loogu kaalmeeyo Somalia si abaarta wax looga qabto.

Wariyeheenna Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka kula xiriiray Wariyaha VOAda uga soo warama London, Ridwaan Xaaji Cabdi Wali oo halka uu shirku ka socda ku suggan.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay kaalmo iyo garab istaag.

XS
SM
MD
LG