Isku xirrada

ICG oo Warbixin Cusub Ka Soo Saartay Soomaaliya


Hay’adda xasaradaha caalamka ka faalloota ee ICG ayaa warbixin cusub ka soo saartay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Hay’addu waxay sheegtay in ururka Al-Shabaab ay yihiin caqabadda ugu weyn ee hortaagan in gargaarka la gaarsiiyo meel kasta iyo dadka u baahan.

Dhinaca kale waxay warbixintu tilmaantay inay jiraan caqabado kale oo ay ka mid yihiin colaadaha qabaa’illada, ciidamada iyo maleeshiyaadka gobollada ee dhigta jidgooyada iyo kuwo kale.

Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa muhiimadda warbixinan ka waraystay Madaxa ICG ee Geeska Afrika, Rashiid Cabdi.

XS
SM
MD
LG