Isku xirrada

Nabaddoon Lagu Dilay Magaalada Muqdisho


Muqdisho

Nabaddoon Cabdulqaadir Xuseen oo ka mid ahaa ergadii soo xulay xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu dilay degmada Waaberi ee magaalada Muqidsho.

Nabaddoonka ayaa waxaa koox hubeysan ay ku toogteen agagaarka buundada Ansalooti, waxyar kadib markii uu kasoo tagay gurigiisa, waxana kooxdii weerarka fulisay ay durba ka baxsadeen goobta.

Horey ayaa waxaa magaalada Muqdisho loogu dilay dhowr nabadoon oo kale oo ka mid ahaa ergadii soo xulay xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Xasan Kaafi Qoyste ayaa warkan kasoo diray Muqdisho.

XS
SM
MD
LG