Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barasaabkii Jakarta oo Xabsi lagu Xukumay


Barasaabka Kirishtanka ah ee Jakarta, oo bishii lasoo dhoofay lumiyey doorasho uu doonayey in dib loogu soo doorto, ayaa waxaa maxkamad ku taalla dalka Indonesia ay ku xukuntay laba sano oo xabsi ah sababo la xiriira inuu diinta Islaamka aflgaadeeyey.

Labada sano ee lagu xukumay Basuki Tjahaja Purnama, oo sidoo kale loo yaqaan Ahok, islamarkaana ah Shiinees, ayaa ka badan xabsigii ay dalbadeen dacwad oogayaasha.

Ahok ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu aflgaadeeyey kitaabka qur’aanka kariimka ah, eedeymahaas oo uu beeniyey.

Ahok ayaa waxaa maxkamad lasoo taagay bishii December ee sanadii tagtay kadib markii lagu eedeeyey inuu diinta Islaamka aflgaadeeyey isaga oo ka ololeynaya jasiirad ku dhow magaalada caasimadda ah ee Jakarta.

Waxa uu soo xigtay aayado qur’aanka ka mid ah isaga oo taageerayaashiisa u sheegay inaysan jirin wax xadidaya in qof muslim ah uu u codeeyo qof aan muslim ahayn.

Kiiska Ahok ayaa waxa uu abuurya walaacyo ku saabsan xaaladda dulqaadka diimeed ee dalka ugu muslimiinta badan dunida.

XS
SM
MD
LG