Isku xirrada

Obama oo Trump Uga Digay Michael Flynn


Obama Trump

Madaxweynihi hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa si shakhsi ah uga digay madaxweyne Trump inuu General Michael Flynn u magacaabo Lataliyaha Amniga Qaranka, 48-saacadood wax ka yar marki loo doortay xilka madaxweynaha.

Obama ayaa digniinta ka dhanka ah Flynn u gudbiyey madaxweyne Trump inti ay ku guda jireen kulan socday muddo 90 daqiiqa ah oo labada mas,uul ku dhexmaray Aqalka Cad 10-ki November ee sanadki hore.

Trump ayaa u magacaabay Michael Flynn lataliyahiisa ee amniga qaranka, balse xilka ka qaaday 24 maalmood oo kaliyah marki uu xilkaasi hayey.

Mr. Flynn ayaa lagu eedeeyey inuu xiriir la sameeyey safiirka Ruushka u fadhiya magaaladan Washington.

Fikradaada

Tus fikradaha

XS
SM
MD
LG